Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday in ay siin doonto 12.5 milyan oo rupees ($44,000) iyo guri qoys kasta oo ka mid ah saddexda badmaax ee Pakistani ah ee lagu dilay intii lagu jiray howlgalka lagu soo furtay markab shidaal oo muddo bilo ah lagu haystay xeebaha Soomaaliya.
Saddexda nin waxay ka tirsanaayeen 10 shaqaale Pakistani ah oo saarnaa markabka MT Honour 25, oo ah markab calanka Palau wata. Markabka ayaa la sheegay in burcad-badeed ay ka qafaasheen xeebaha Puntland 21-kii Abriil, waxaana ciidamada ammaanka gobolka ay dib ula wareegeen 29-kii Sebtembar, kadib in ka badan shan bilood oo uu gacanta ugu jiray kooxihii qafaashay.
Shan ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa ku dhintay muddadii ay dhacdadu socotay, waxaana saddex ka mid ah ay ahaayeen muwaadiniin Pakistani ah.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in qoysaska saddexda dhibbane la siin doono kaalmo dhaqaale iyo guryo, halka carruurta dadka dhintay loo ballanqaaday waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.
“Qoysaska murugaysan kaligood lagama tagi doono xilligan adag,” ayuu Sharif ku yiri bayaan ay soo saartay xafiiskiisa.
Saddexda badmaax ee dhintay, Dowladda Pakistan ayaa magacyadooda ku sheegtay: Syed Kashif Umar, Mahmood Ahmed Ansari iyo Rafiullah Khan.
Sharif ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula xiriiray wiilka Kashif Umar, Azhan Kashif, isagoo tacsi u diray qoyskiisa, isla markaana sheegay in dowladda ay dadaal ugu jirto in meydka aabbihii iyo meydadka labada badmaax ee kale sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celiyo Pakistan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan iyo hay’adaha kale ee ay khusayso ayaa lagu amray inay xiriir joogto ah la yeeshaan qoysaska, halka safaaradda Pakistan ay la shaqaynayso masuuliyiinta Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ay khusayso si loo dedejiyo soo celinta meydadka.
Dhanka kale, Pakistan waxay waddaa dadaallo lagu soo celinayo badmaaxiintii ka badbaaday afduubka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar ayaa sheegay in afar ka mid ah badmaaxiintii la sii daayay la filayay inay Pakistan ku laabtaan maanta oo Sabti ah.
