Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ku eedeyay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan inay diyaariyeen howlgal lrabay in laga fuliyo gudaha Ingiriiska, kaasoo lagu qarxin lahaa saldhigga Ciidanka cirka ee RAF Fairford.
Saldhigan ayaa ku yaalla galbeedka London waxaana adeegsada diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee weerarrada ka fuliya gudaha Iiraan.
Iiraan ayaa horey ugu hanjabtay saldhig kasta oo laga soo weerarro dhulkeeda inay beegsanayso oo saldhigga Ingiriiska ku yaal ee RAF Fairford uu ku jiro, iyadoo toddobaad ka hor la xiray dhowr qof oo lala xiriiray inay saldhiggaa qaraxyo ka fulin lahaayeen.
