Mareykanka Oo Billaabaya inuu Sharciga kala Noqdo Dadka ka Been Sheegay Xogtooda Markii..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Mareykanka ayaa billaabaysa inay Baasaboorada kala noqoto dadka ka been sheegay ama qariyay xog muhiim ah markii ay codsanayeen inay noqdaan muwaadiniin Maraykan ah, iyadoo la sheegay 39 qof in hal mar laga celinayo baasaboorka, sida ay baahisay NBC News oo xiganaysa wasaaradda caddaaladda Mareykanka.

Tallaabadan waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay olole cusub oo maamulka Trump uu ku baarayo dadka dibadda ku dhashay ee markii dambe noqday muwaadiniin Maraykan ah.

Bishii April, xeer-ilaaliyeyaasha Maraykanka ayaa bilaabay baaritaan ballaaran. Waxaa baaritaanka lagu sameeyay ugu yaraan 300 qof, si loo ogaado haddii ay jiraan dad dhalashada ku helay khiyaano ama xog aan sax ahayn. 39 qof ee hadda la filayo in baasaboorka laga celiyo ayaa noqon kara tiradii ugu badnayd ee hal mar la isku dayo in muwaadinimada Maraykanka looga noqdo dad horey u qaatay Baasaboorka