Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wajahayo caqabado is-biirsaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca gargaarka dibadda tan iyo 2025, abaaraha soo noqnoqda, saameynta colaadda Bariga Dhexe iyo isbeddellada la xiriira doorashooyinka dalka.
IMF ayaa sheegtay in xaaladahan ay hoos u dhigeen dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, sare u qaadeen sicir-bararka iyo cunto-yaraanta, isla markaana cadaadis ku abuureen dhaqaalaha dowladda.
Hay’addu waxay qiyaastay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu sannadka 2026 ku ekaan doono 2.3 boqolkiiba, halka uu sannadka 2027 kor ugu soo noqon karo 2.7 boqolkiiba. IMF waxay sheegtay in kobaca dhaqaalaha uu muddada dhexe gaari karo 4 boqolkiiba.
Sicir-bararka ayaa sidoo kale la filayaa inuu sannadkan gaaro 6.5 boqolkiiba, iyadoo IMF ay sheegtay in abaaraha daba dheeraaday iyo carqaladaha ganacsiga caalamiga ah ay qayb ka yihiin sababaha kor u qaadaya qiimaha.
Inkasta oo xaaladda dhaqaale ay adag tahay, IMF waxay sheegtay in xawaaladaha Soomaalida dibadda ay weli yihiin il muhiim ah oo dakhli iyo lacag qalaad u ah qoysaska, balse ay tilmaantay in xaaladda dibadda ay weli nugushahay.
IMF waxay ka digtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sii wajihi karo khataro ay ka mid yihiin abaaro iyo dhibaatooyin cimilo oo ka sii daran, colaado cusub oo gobolka ka dhaca iyo hoos u dhac dheeraad ah oo ku yimaada gargaarka caalamiga ah.
Dhinaca maaliyadda dowladda, IMF waxay qiyaastay in khasaaraha miisaaniyadda Soomaaliya uu sannadka 2026 noqon doono 0.9 boqolkiiba wax-soo-saarka gudaha, iyadoo dowladda laga filayo inay 2027 hoos ugu dhigto 0.5 boqolkiiba.
Hay’addu waxay dowladda Soomaaliya kula talisay inay sii xoojiso ururinta dakhliga gudaha, gaar ahaan canshuuraha iyo kastamyada, iyadoo sidoo kale la xakameynayo kharashaadka dowladda iyo hagaajinta maamulka maaliyadda iyo deynta.
IMF ayaa sidoo kale sheegtay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu horumar ka sameynayo xoojinta kormeerka hay’adaha maaliyadeed iyo ballaarinta adeegyada maaliyadeed. Waxay ku boorrisay dowladda inay si taxaddar leh u sii waddo dib-u-habeynta lacagta dalka marka la buuxiyo shuruudaha lagama maarmaanka ah.
