Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay in la aasaasay telefiishan loogu magac-daray Trump TV, kaasi oo loogu talogalay inuu noqdo Telefiishan hawada ku jira 24-ka saacadood toddobaad walba, waxaana laga faafin doonaan wararka la xidhiidha guulaha Xukuumadda Trump, waxqabadkiisa, ammaantiisa iyo in lagula dagaalamo dacaayadaha laga faafiyo Madaxweyne Trump.
Sida ay warbaahinta caalamku maanta qortay, tallaabadan lagu sameeyey Trump TV, ayaa ka dambaysay markii ay inta badan warbaahinta caalamiga ah ee ka hawlgala Aqalka Cad ay diideen inay si toos ah u baahiyaan wararka iyo munaasibadaha Madaxweyne Trump, kuwaasi oo ka mudaharaaday go’aankii Aqalka Cad lagaga mabnuucay Telefiishanka CNN iyo warbaahin kale oo aannu wararkooda jeclaysan Madaxweynaha Maraykanku.
Doodo cusub oo la xidhiidha ilaalinta xoriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida saxaafadda ayaa ka bilaabay Maraykanka, iyadoo saxaafadda, hay’adaha xuquuqal-insaanka iyo siyaasiin badan ay cambaareeyeen tallaabadan Aqalka Cad looga mabnuucay CNN iyo warbaahinta kale.
