Tuesday, September 22, 2026

Mareykanka iyo Australia Oo Dhexda u Galay Xaalad Argagax leh, Markii Shiinuhu Helay Xogta Diyaarada F-35..

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka iyo Australia, ayaa dhexda u galay xaalad argagax leh, markii qaybo ka mid ah diyaaradda uu Mareykanka sida weyn u ilaaliyo ee F-35 ay gacanta u gashay Shiinaha, taasoo dhalisay walaac la xiriira inuu Shiinaha helo xogta iyo nidaamyada qarsoon ee diyaaradan oo ay ku hubaysanyihiin 19 dal oo xulafo la ah Mareykanka, sida ay maanta soo bandhigtay CNN.

Sidee arrintan u dhacday?

Australia, ayaa u dirtay Mareykanka qaybo ama qalab ka mid ah F-35 oo cilad la kulmay, si gudaha Mareykanka loogu cilad saaro, balse inta shixnadan ku jirtay Badweynta Pacific, waxaa loo weeciyay Hong Kong oo ka tirsan Shiinaha, iyadoo illaa hadda aysan caddeyn sida qalabka diyaaradaha F-35 ee ku socday Mareykanka loogu leexiyay Shiinaha.

Wargeyska Politico, ayaa dhankiisa xaqiijiyay qalabka F-35 ee Shiinaha gacanta u galay inay ku jiraan qaybaha tiknoolaniyada ugu xasaasisan diyaaradahan oo ay ku jirto daboolka sare ee diyaaradda oo leh tiknoolajiyad ka hortagta ama yareysa in radar-ku si fudud u ogaado. Warbixintu waxay sheegtay shirkad saddexaad oo aan ahayn dawladda Mareykanka iyo shirkadda diyaaradahan soo saarta ee Lockheed Martin inay qalabkan qaadeen, balse si aan illaa hadda la sharrixin qalabkan loogu leexiyay Shiinaha, halkii la geyn lahaa Mareykanka.

Wasiirka Difaaca Australia, Richard Marles, ayaa wariyeyaasha kula hadlay magaalada Adelaide, wuxuu sheegay in dawladda Australia loo sheegay arrintan, isla markaana ay ka caawinayso Mareykanka baaritaanka waxa dhacay.

Wuxuu intaa ku daray; “Dabcan waxaan arrintan kala shaqaynaynaa Mareykanka iyo shirkadda ugu weyn ee qandaraaska haysata ee Lockheed Martin…Waxaan si gaar ah u baaraynaa wax kasta oo ka dhacay dhinaca Australia.”

Balse, wuu diiday inuu sheegay sida ay u dhacday qalab sidaa xasaasi u ah in loo weeciyo meel aan ahayn halkii loo waday, isla markaana uu gacanta u galo dalka in ka badan dunidda kale laga ilaalinayay inuu xog ka helo F-35 oo ah Shiinaha, taasoo ah waxa arrintan ka dhigtay wax aan caadi ahayn..! See less