Tuesday, October 6, 2026

Somaliland Oo Digniin u diray Bulshada ku Dhaqan Xeebaha Gobolada Awdal,Salal Iyo Saaxil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa digniin la xidhiidha xaaladda cimilada iyo badda u diray bulshada ku dhaqan xeebaha Somaliland, gaar ahaan dadka ku nool Saylac, Lughaya, Ceel-Sheekh iyo Berbera.

Taliska ayaa sheegay in la filayo roobab wata dabaylo xooggan, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara deegaannada xeebaha iyo meelaha ku dhow-dhow. Waxa kale oo uu xusay in xaaladda El Niño ay kordhin karto isbeddellada cimilada, taas oo keeni karta roobab xooggan, daadad, dabaylo iyo hirar badeed oo kacsan.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa si gaar ah ugu baaqay kalluumaysatada, dadka ku nool xeebaha, dadka dabaasha iyo dalxiisayaasha inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ay ka fogaadaan gelitaanka badda xilliyada ay xaaladdu kacsan tahay.

Taliska ayaa sidoo kale bulshada kula dardaarmay inay ka fogaadaan meelaha dooxyada ah iyo marinnada biyuhu maraan, si looga hortago khataraha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka.