Wednesday, October 7, 2026

Ciidamada Yemen oo dib ula wareegay goobo muhiim ah oo ka tirsan Taiz.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay dib ula wareegeen goobo iyo dhul buuraley ah oo ku yaalla degmada Jabal Habashi ee gobolka Taiz, iyadoo Taliyaha Guud ee Guutada 14-aad ee Gaashaaman, Cali Al-Aqra, uu xaqiijiyay in ciidamo la geeyay agagaarka xerada Umm Al-Rish.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in weerarro gaadmo ah lagu qaaday maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo gaadiidkooda, gaar ahaan Mansoura, Sharira iyo agagaarka Jabal Numan, waxaana la sheegay in tobannaan Xuutiyiin ah lagu dilay ama lagu dhaawacay