Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa noqotey dalka shaqaalaha siiya mushaharka ugu badan guud ahaan Afrika, iyada oo mushaharka nadiifka ah ee shaqaalaha uu gaadho 2,836 doollar bishii, marka laga jaro cashuuraha sharciga ah; sida ay daraasad cusub ku sheegtey hay’adda caalamiga ah ee LiveGDP.
Dalkan yar oo ku yaal isgoyska Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa goobtan istaraatiijiga ahi ka dhigtay xudun weyn oo ay ku xidhan yihiin ganacsiga caalamiga ah, adeegyada dekedaha waaweyn & saldhigyada ciidamada caalamka oo si weyn u xoojiyey kobaca dhaqaalahiisa.
Dalka labaad ee ugu mushahar fiican waa Koonfur-Afrika oo lagu tiriyo dalka u horumarsan qaaradda, iyadoo celceliska mushaarka bishii uu yahay 1,270 doollar.
Dhanka kale, dalalka ugu mushaarka yar Afrika waxaa ugu hooseeya Koonfurta Suudaan oo uu mushaarku yahay 70 doollar, waxaa xiga Burundi oo 75 doollar ah & Sierra Leone oo 80 doollar bixisa.
DFS waxa ay shaqaalaha rayidka siisaa 200 ilaa 700 oo doollar — deegaannada kale yaa u mushahar fiican
