Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xal laga gaaro khilaafka iyo kala aragti duwanaanshaha kala dhexeeya Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in Muqdisho ay weli diyaar u tahay hagaajinta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera Carabi, isagoo kaga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, khilaafaadka labada dhinac iyo arrimaha sababay in xiriirkoodu xumaado.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu horey u ahaa mid dhow, gaar ahaan dhinaca amniga iyo iskaashiga labada dowladood, balse uu xiriirkaasi xumaaday kadib markii, sida uu sheegay, Imaaraadka Carabtu ay garab istaagtay gooni-goosashada Somaliland.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in mowqifka Imaaraadka ee Somaliland uu ka mid noqday arrimaha ugu waaweyn ee sababay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegto xiriirkii dhowaa ee ay la lahayd Abu Dhabi, maadaama Muqdisho ay Somaliland u aragto qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana ay si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo ay u aragto inay dhaawaceyso midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay kansashay qaar ka mid ah heshiisyadii ay Imaaraadka Carabta la lahayd ee la xiriiray dhinacyada amniga iyo difaaca, taasoo muujinaysa heerka uu gaarsiisnaa khilaafka labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa sheegay in inkastoo heshiisyadii amniga iyo difaaca qaarkood la kansalay, haddana aysan xiriirka labada dal si buuxda u go’in. Waxa uu tilmaamay in xiriirka diblomaasiyadeed uu weli yahay mid jira, isla markaana safaaradaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay labada dal ka sii shaqeynayaan.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay isku dayday inay dib u hagaajiso xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in Muqdisho ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka jira.
Waxa uu sidoo kale qiray kaalintii Imaaraadka ee taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya xilliyadii uu xiriirka labada dal wanaagsanaa, isagoo tilmaamay in iskaashiga amni uu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah xiriirkii dhowaa ee Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac lagu dhammeeyo wada-hadal iyo diblomaasiyad, iyadoo aan meesha laga saarin suurtagalnimada in mustaqbalka dib loo soo nooleeyo xiriirkii dhowaa ee labada dowladood.
Si kastaba, arrimaha la xiriira Somaliland, madaxbannaanida Soomaaliya iyo iskaashiga amniga ayaa weli ah qodobbada ugu xasaasisan ee saameynaya xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in mowqifkeeda ku aaddan midnimada dalka la ixtiraamo.
