Wednesday, October 7, 2026

Sacuudiga Oo ka Hadlay Weerar Dhimasho Gaystay Oo Lagu soo Qaaday Garoomada Diyaaradaha ee Abha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga Oo ka Hadlay Weerar Dhimasho Sababay Oo Lagu soo Qaaday Garoomada Diyaaradaha ee Abha

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen garoomada diyaaradaha ee Abha iyo Riyad ay ku dhinteen 3 qof, halka 36 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saddexda qof ee ku geeriyooday weerarrada ayaa ahaa ajaanib degganaa Sacuudiga, kuwaas oo kala ahaa Suudaani, Aljeeriyaan iyo Marookaan.

Xuutiyiinta ayaa weerarro culus ku haya Sacuudiga, kadib weerarkii Isniintii lagu qaaday gudaha Yemen, kaas oo ay ka qayb qaateen in ka badan 100 diyaaradood oo Sacuudiyaan ah.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa saakay weerar ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Cadan, iyagoo sheegay in weerarka lagu beegsaday xarumo militari oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhexeysa Xuutiyiinta iyo Sacuudiga ay si weyn u sii xoogeysanayso.