Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa munaasabad muhiim ah oo lagu daahfurayo dib ugu soo laabashada dalka ee nidaamka caalamiga ah ee tigidhada iyo lacag-dhaafsiga ee IATA BSP, iyadoo magaalada Muqdisho ay martigelin doonto hoggaanka sare ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA).
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta sheegtay in munaasabaddan ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka duulista rayidka iyo isku xirka Soomaaliya iyo suuqa caalamiga ah ee duulimaadyada.
Maareeyaha Guud ee SCAA, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in dib u soo laabashada Soomaaliya ee nidaamka BSP ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada tigidhada, fududeynta xiriirka shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha safarrada (Travel Agencies), iyo xoojinta hannaanka maaliyadeed ee suuqa duulista.
BSP, oo ah Billing and Settlement Plan, waa nidaam ay IATA u maamusho shirkadaha diyaaradaha iyo Travel Agencies, kaas oo fududeeya iibinta tigidhada iyo habka lacagaha loogu kala xisaabiyo shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha.
SCAA ayaa sheegtay in tallaabadan laga filayo inay saameyn ku yeelato dhinacyo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maalgashiga iyo kobcinta guud ee waaxda duulista rayidka Soomaaliyeed.
Dib ugu soo laabashada nidaamka BSP waxay sidoo kale siin kartaa wakaaladaha safarrada Soomaaliyeed fursad ay si habaysan ugu xirmaan nidaamka caalamiga ah ee IATA, halka shirkadaha diyaaradaha ay heli karaan hannaan mideysan oo ay kula macaamilaan suuqa Soomaaliya.
SCAA ayaa sheegtay in munaasabadda Muqdisho lagu qabanayo ay noqon doonto mid lagu soo bandhigayo muhiimadda nidaamkan iyo doorka uu ka qaadan karo horumarinta duulista rayidka Soomaaliya.
