Jaamacadda Carabta ayaa codsi u diray dawladda Iran iyaga oo waydiisanaya in ay joojiso duqaymo ah ay ku hayso dalalka Kuwait, Baxrayn iyo Urdun oo saacadihii la soo dhaafay la kulmay weeraro aad u xooggan.
Codsiga Jaamacada carabta kadib ayaa Iiraan waxay ku hanjabtay inay caawa beegsan doonto kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Imaaraadka Carabta, haddii Mareykanku caawa fuliyo duqeymo lagu beegsanayo kaabayaasha Iiraan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Fars oo ku dhow ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.
Warbixintan, ayaa sidoo kale lagu sheegay haddii weerarrada Mareykanka ka dhacaan gudaha Iiraan, goobaha ay isla markiiba beegsanayso Iiraan ee gudaha dalka Imaaraadka Carabta inay ku jiraan Garoomada diyaaradaha ee Abu Dhabi iyo Dubai,Dekedaha Fujairah iyo Jebel Ali.
Jaamacadda Carabta oo ah ururka ugu weyn ee bulshada Carabta xubnaha ka tahay ayaa doonaya in Iran wada hadal ku joojiso weerarada ay ku hayso dalalka Khaliijka Carabta.

Screenshot
