Dowladda Kuwait ayaa ku eedeysay Iiraan inay qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim u ah adeegyada korontada, biyaha iyo shidaalka ee dalka, kuwaas oo sababay burbur, dab iyo hakad ku yimid qayb ka mid ah adeegyada muhiimka ah.
War ay soo saartay Wasaaradda Korontada iyo Biyaha ee Kuwait ayaa lagu sheegay in weerarrada kadib uu dab ka kacay xarun koronto iyo xarun lagu sifeeyo biyaha, taasoo keentay in si ku-meel-gaar ah shaqada looga joojiyo dhowr unug oo koronto dhaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kooxaha dab-damiska iyo farsamayaqaannada dayactirka ay si degdeg ah uga howlgaleen goobaha ay waxyeelladu gaartay, si loo xakameeyo dabka loona soo celiyo adeegyada muhiimka ah sida ugu dhaqsaha badan.
Dhanka kale, Wakaaladda Wararka ee Kuwait (KUNA) ayaa baahisay in xarun shidaal oo ay leedahay Shirkadda Saliidda Kuwait ay sidoo kale la kulantay weerarro isdaba joog ah oo lagu eedeeyay Iiraan. Sida lagu sheegay warbixinta, weerarradaasi waxay sababeen burbur soo gaaray xarunta iyo dhaawacyo kala duwan, taasoo keentay in si degdeg ah loo daadgureeyo shaqaalihii iyo dadkii ku sugnaa goobta.
Shirkadda Saliidda Kuwait ayaa sheegtay in xaaladda goobta la qiimeynayo, isla markaana la wado baaritaanno lagu ogaanayo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa cambaareysay weerarrada, iyadoo ku tilmaantay kuwo si ula kac ah loogu bartilmaameedsaday kaabayaasha rayidka iyo adeegyada muhiimka ah ee dalka.
“Bartilmaameedsiga soo noqnoqda ee goobaha muhiimka ah wuxuu muujinayaa hab cadowtinimo oo nidaamsan oo lagu beegsanayo xarumaha rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah, taasoo khatar gelinaysa nolosha dadka iyo amniga shacabka,” ayay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeedkeeda.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Iiraan ay weerarro ku qaaday xarumo koronto iyo shidaal oo ku yaalla Kuwait, kuwaas oo qayb ka ah xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka dhex aloosan Iiraan iyo Mareykanka.
Dhankeeda, Iiraan ayaa sheegtay in weerarrada ay fulisay ay jawaab u ahaayeen weerarro ay ku eedeysay Mareykanka inuu ku qaaday xarumaha saliidda ee koonfurta dalkaasi.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa maanta oo ku beegan 17-ka Luulyo sheegay in weerarro ay ku eedeeyeen Mareykanka ay si weyn u saameeyeen adeegga biyaha la cabbo ee ku dhawaad 20 tuulo oo ku yaalla galbeedka magaalada Jask, iyagoo sheegay in weerarradaasi ay dhaawaceen kaabayaal muhiim ah oo biyaha lagu gaarsiiyo shacabka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo si rasmi ah u caddeyneysa sheegashooyinka ay isweydaarsanayaan Kuwait iyo Iiraan, waxaana xaaladda gobolka weli hareeyay xiisad militari iyo warar is-khilaafsan oo ka imanaya dhinacyada ku lugta leh colaadda.
