Madaxweynaha Chad Oo ku Dhawaaqay in Dhamaan Dalalka Africa Ay Fiiso La’aan ku Iman karaan Dalkiisa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha dalka Chad Maxamed Idiris Debi ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu Fiisaha dal ku galka ka saamaxay dhammaanba muwaadiniinta reer Afrika ee haysta Passport-da Afrikaanka ah. Tallaabadan ayuu Debi sheegay in ay dhaqan geli doonto bisha January ee sannadka soo socda ee 2027 markaas oo Afrikaan oo dhan loo ogolaan doono in ay Fiise la’aan ku galaan dalka badhtamaha Afrika ku yaalla ee Chad.

Go’aannadan waxa hore u qaatay dalalka Kenya, Benin, Togo, Rwanda, Ghana iyo Congo. Waana mid u muuqata in Afrikaanku dhawaan isku raaci doonaan in ay meesha ka saaraan caqabadihii safar ee dhexdooda ka taagnaa.