Iiraan ayaa ku dhawaaqday iney jawaab milatari oo adag ka bixineyso weerar duqayn ah oo ay ISRL ku qaaday xarunta dhexe ee Xisbullah ee ku taalla duleedka koonfureed ee magaalada Beirut, caasimadda Lubnaan.
Afayeenka guddiga ammniga qaranka Iiraan ayaa yidhi. “Weerarka uu maamulka Sahyuuniyada ISRL ku qaaday Dahiyeh, waxaan uga jawaabi doonaa si xanuun badan.
“Waan edbin doonaa oo meesha ku haboon ayaan dhigi doonaa eeyaha ISRL, caawa waxaa la arki doonaa waxa ka dhaca dhulka ay ISRL haysato.”
“Bayruud waxay ahayd xariiq cas oo Iiraan ay dejisay, ISRL na ma ixtiraamin.”
Aagga Israel beegsaday ayaa ah degmada Dahiyeh, oo loo aqoonsan yahay saldhigga ugu weyn ee saameynta iyo joogitaanka Xisbullah ee magaalada Beirut.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirka Difaaca, Israel Katz, ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa gantaallo iyo weerarro ay Xisbullah ku qaaday dhulka Israa’iil.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu Netanyahu u sheegay in weerar lagu qaado Beirut aanu noqon doonin mid la aqbali karo, xilli Washington ay dadaal ugu jirto heshiis nabadeed oo lala gaaro Iiraan, oo ah xulafo muhiim ah oo taageerta Xisbullah.
Israail oo qaadatay Daanta-galbeed ayaa haddana la wareegeysa Qasa, sida uu goordhaweyd ka dhawaajiyey Netenyaahu: “Qasa waxaan ka weeraraynaa dhinac kasta, hadda waxaan maamulnaa 60%, maalmo dhow waxaan gaadhaynaa 70%, ugu danbeyna annagaa maamuleyna.”
