Dawladda Uganda ayaa si rasmi ah u daahfurtay taalo loo dhisay Yonatan Netanyahu, oo ahaa walaalka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si loo xuso geesinimadiisii intii uu socday hawlgalkii caanka ahaa ee Entebbe 50 sano ka hor.
Yonatan Netanyahu wuxuu ahaa taliyihii ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ee fuliyay hawlgalkii lagu soo furtay in ka badan 100 qof oo lagu haystay garoonka diyaaradaha Entebbe bishii July 1976.
Dadkaas ayaa lagu afduubtay diyaarad ay qafaasheen dagaalyahanno Falastiiniyiin ah oo ay weheliyeen laba Jarmal ah, kuwaas oo taageero ka helay xukuumaddii madaxweyne Idi Amin ee Uganda.
Intii uu socday hawlgalkaas, Yonatan Netanyahu ayaa noqday askariga keliya ee Israa’iili ah ee lagu dilay, waxaana magaciisa lagu xusuustaa mid ka mid ah hawlgalladii samatabbixinta ee ugu caansanaa taariikhda ciidamada gaarka ah.
Taliyaha ciidamada Uganda, General Muhoozi, ayaa sheegay in taaladu ay tahay mid lagu maamuusayo geesinimada iyo naf-hurnimada Yonatan Netanyahu, isla markaana ay astaan u tahay bog cusub oo xidhiidhka u dhexeeya Uganda iyo Israa’iil.
