Saturday, October 17, 2026

Ciidanka Somaliland Oo Dil iyo Dhac u Gaysteen Dad Reer Guuraa ah Oo kasoo Jeeda Puntland.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay weerar ay ka geysteen deegaanka dulgaal oo Katirsan Degmada Horufadhi ee Gobolka Togdheer ku dileen Nin reer Guuraa ah oo ka soo jeeda Magaalada Garowe waxayna sidoo kale dhaceen Geeli uu watay marxuumkaasi sida ay sheegeen dadkadeegaankaasi.

Garaad Cabdirashiid Waraabe dheere oo si adag uga hadlay weerar ay ciidanka Somaliland u geysteen maanta dad Reer Guuraa ah ka soo jeeda Puntland islamarkaana ku sugnaa Waqooyi Bari.

Qoraal Garaadku uga Hadlay dhacdadan ayaa u dhiga sidan….

“”Weerarka ciidanka Hargeysa ku soo qaadday Maanta kuna laysay reer guuraaga Gobolka Nugaal gaar ahaan Garoowe ka Soo Hayaamay ee ku sugan Waqooyi Bari waa mid aan la aqbali karin.

Ciidanka nabad diidka ah waxay soo weerareen reer guuraa abaar ka soo hayaamay waxay dileen dadkii xoolaha watay waxay dhaceen xoolihii waxayna kale oo xabad la dhaceen qeyb ka mid ah xoolihii.

Weerarka maanta ciidanka maamulka Hargeysa ku soo qaadday dadka abaarta ka soo hayaamay ee reer Puntland ee ku sugan deegaankooda Waqooyi Bari gaar ahaan meesha lagu magacaabo Dulgaal oo u dhow Horufadhi wuxuu ku tusayaa bahalnimada lagu beegsanayo dadka abaaraysan,

In La Beegsado Dadka Xoolo Dhaqatadda ah ee ka Soo hayaamay Abaarta kuna sugan deegaankooda Waqooyi Bari waa mid gardarro caddaan ah waana mid waajib ka saaran yahay dowladda iyo shacabka Waqooyi Bari inay difaacaan dadkooda abaartu keentay deegaanka.

Tacsi ayaan guud ahaan shacabka Puntland uga dirayaa dadka xoolo dhaqatada ah ee la soo weeraray Waa bahalnimo in qof shacab ah oo abaar ka soo hayaamay oo xoolihiisa la jooga si gaadmo ah inta loogu soo dhuunto nafta la dhaafiyo Xoolihiisa la dhaco””