Monday, October 12, 2026

Maxkamadda Sare ee dalka Oo Qabatay Kiis Laga Gudbiyay Dhaqan-gelinta Dastuurka Cusub

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa qabatay kiis uu gudbiyay xubin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta kaasoo ka dhan ah dhaqangelinta Dastuurka cusub.

Dacwadan ayaa lagu durayaa dastuurka cusub iyo raadadka kale ee sharci ee ka dhashay oo ay kamid tahay muddo kororsiga.

Sida ilo wareedyo sugan u xaqiijiyeen Somali Stream, Maxkamadda Sare ayaa si rasmi ah u qabatay kiiska.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa dhawr jeer oo hore gaartay go’aano madax bannaan oo uu kamid yahay kii lagu laalay doorashadii ka dhacday Galmudug.