Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Mowliid Siciid Warsame (Dhakhare), kaas oo loo haysto inuu laba cisho ka hor sadax qof ku dilay magaalada Garoowe.
Falka ayaa dhacay 11-kii Oktoobar 2026, agagaarka Suuqa Inji ee Garoowe, waxaana ku dhintay saddex qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Eedaysanaha ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen Talisyada Qaybaha Booliska Gobollada Nugaal iyo Sool, kaas oo ka dhacay deegaanka Jidhaan, oo u dhow Carooley, halkaas oo ciidamadu ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan
