Wednesday, October 14, 2026

Ciidamada Milatariga Itoobiya iyo Eritrea Oo isku Hor-fadhiya Magaalada Zalambessa Ee Xuduudda Labada dal.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada milatariga Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa isku horfadhiya masaafo aad iskogu dhow magaalada Zalambessa, oo ku taalla xuduudda labada dal.

Ciidamada milatariga Itoobiya, oo shalay galay magaalada Zalambessa, ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin dhinaca koonfureed ee magaalada, halka ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin dhinaca waqooyi ee xuduudda labada dal.

Labada ciidan ayaa hadda isku horfadhiya masaafo aad iskogu dhow, labada ciidan ayaa isku dhici kara wakhti kasta.