Maamule Geesi Qarn loo Aqoonsaday Badbaadiyay Nolosha 1,643 Arday Xilli Masiibo weyn Ka Dhacday dalka Nepal

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maamule Rajendra Dawadi ayaa noqday geesi qaran ka dib markii uu go’aan degdeg ah oo uu qaatay ku badbaadiyay nolosha 1,643 arday xilli masiibo weyn ay ku habsatay dalka Nepal.

Subaxnimadii 26-kii Agoosto, Dawadi oo maamule ka ahaa iskuul ku yaalla buuraha Himilaya, ayaa dareemay halista biyaha ka soo fatahay webiga Trishuli, isagoo markiiba garaacay jalaska digniinta si uu 900 oo arday ugu kaxeeyo figta sare buuraha Himilaaya, halka uu sidoo kale wacay darawallada basaska si uu u badbaadiyo 700 oo kale oo aan weli soo gaarin dugsiga.

Daqiiqado uun ka dib markii ay ardaydu gaareen meel ammaan ah, daadad xooggan ayaa gabi ahaanba tirtiray dhismihii iskuulka, balse feejignaantii iyo go’aan-qaadashadii geesinimada lahayd ee maamulaha ayaa dhalisay inaan hal arday waxyeello soo gaarin, xilli masiibadaas ay dalka oo dhan ku dishay in ka badan 800 oo qof, kumanaan kalena ay weli aan la helin.