Dowladda Kenya ayaa maanta, xaqiijisay kiiskii labaad ee cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo laga heley nin qaraabo dhaw la ahaa qofkii kiiskii hore u dhintay dhawaan.
Bukaankan oo ah nin 𝟯𝟵 jir ah islamarkaana qaraabo dhow la ah qofkii kiiskii koowaad laga helay, kaas oo geeriyooday 𝟱 bishii Oktobar kaddib markii uu ka yimid Congo.
Bukaanka cusub ayaa hore karantiil loogu hayay, waxaana lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin qandho iyo daal, ka hor inta aan la gelin goob caafimaad oo gaar ah.
Masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay inaan weli la hayn caddayn muujinaysa in cudurku bulshada dhexdeeda ku faafayo. Waxaa la helay 𝟭𝟭𝟯 ka mid ah 𝟭𝟮𝟴 qof oo xiriir la yeeshay bukaankii koowaad, halka baadhitaannada iyo dabagalka dadka kale ay socdaan
