Heemaal News Network

Dowladda oo cunaqabateyn saartay Saraakiil Al Shabaab katirsan

Guddiga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (GQKLDH/LMA) ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Al Shabaab.

“Guddigu wuxuu uga goleeyahay in uu la dagaalamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka, Aqoonsiga iyo cunaqabataynta shakhsiyaadka iyo hay’adaha xiriirka la leh Khawaarijta, Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo, isla markaana la cunaqabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’adaha taageera argagixisada, si sare loogu qaado nabadgalyada dalka,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Guddiga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda ayaa tan iyo markii la ansixiyay sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman 2023, waxa uu soo saaray laba liis oo lagu beegsanayo kooxaha argagaxisada ah , gaar ahaan hoggaamiyaasha sar sare.