Booliiska Jarmalka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay hagayeen Robot la sheegay in uu si xun u taataabtay gabar 16 jir ah.
Booliska magaalada Colonge ayaa la wareegay Robotka lagu eedeeyay in uu taataabtay dabada gabadha taas oo keentay in ay qeyliso.
Booliska gobolka North Rhine Westphalia ayaa sheegay milkiilaha Robetka oo 16 jir ah iyo saaxiibkii oo 19 jir ah in la rumeysan yahay in ay toos dhacdadan u geliyeen baraha bulshada.
Sida lagu sheegay qoraal ay booliisku soo dhigeen Facebook-ga, Robotka oo dheerkiisu yahay 120 sentiimitir ayaa gabadha yar uga yimid dhanka dambe xilli ay saaxiibbadeed la joogtay, iyadoo waqtigu uu ku dhowaa saq dhexe.
Booliisku waxay sheegeen in gabadhu ay joogtay meel laga iibsado cunto oo u dhow bartamaha magaalada.
Marka laga soo tago robot-ka, booliisku waxay la wareegeen laba taleefan oo gacanta ah oo ay leeyihiin dadka looga shakisan yahay falkan. Waxay isku dayayaan in ay ogaadaan in qof uu si ula kac ah u maamulayay dhaqdhaqaaqa robot-ka xilliga dhacdada.
Booliiska ayaa ka digay in faallooyinka qaarkood ee baraha bulshada ee ku saabsan kiiskan ay “noqon karaan dambi”.
