Friday, October 16, 2026

Xildhibaanno ka soo jeeda Puntand iyo Jubbaland oo ka Horyimid Jadwalka Doorashada ee la Shaaciyay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee la shaaciyay 15-kii Oktoobar, iyaga oo ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu qaaday tallaabo hal dhinac ah oo sii fogeyn karta khilaafka siyaasadeed ee dalka.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay xildhibaannadu ku sheegeen in jadwalka doorashada lagu dhawaaqay xilli aanu jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana ay weli taagan yihiin khilaafaad la xiriira dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Waxay tilmaameen in Puntland iyo Jubbaland aanay qayb ka ahayn hannaanka socda, iyaga oo sidoo kale walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dalka, colaadaha ka socda qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamul-goboleedyada.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in ku dhawaaqista jadwalka doorashada ay carqaladeyn karto wada-hadalladii muddada dheer socday ee ay beesha caalamku dhexdhexaadinaysay, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in la gaaro heshiis ku saabsan doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen madaxweynaha in tallaabadan ay sii kordhin karto kala qaybsanaanta siyaasadeed, xilli ay muhiim tahay in la helo is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashada iyo maamulka dalka.

Xildhibaannadu waxay ugu baaqeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dhammaan mucaaradka inay isugu yimaadaan shir degdeg ah, si ay uga arrinsadaan jadwal doorasho oo loo dhan yahay iyo dhismaha guddi maamula hannaankaas.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay go’aanno degdeg ah oo lagu wajahayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ku adkeystay in masiirka Soomaaliya lagu maareeyo heshiis iyo wada-tashi.