Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Saeed Khatibzadeh ayaa walaac ka muujiyay xaalada dalka Yemen ka taagan isagoo dhinaca kale fariin u diray Dawlada Sacuudiga.ayaa waxuu yiri:-
“Waxaan ka walaacsannahay xaaladda Yemen. Waxaa jira yaraansho ba’an oo ku yimid dawooyinka, cuntada iyo baahiyaha aasaasiga ah, taas oo ay sabab u tahay go’doominta ay Boqortooyada Sacuudigu Yemen ku hayso muddo toban sano ah.”
Wuxuu intaa ku daray; “Waxaan arrintan kala hadalnay walaalaheenna Sacuudiga, waxaanan u caddeynay in ficilkani uusan wax xiriir ah la lahayn mabaadi’da Islaamka. Ma habboona in dal Muslim ah oo deris ah, isla markaana sabool ah, sidan loola dhaqmo oo dhibaato loo geysto.
Waxaan xitaa soo jeedinnay inaan dhexdhexaadinno si dagaalka loo joojiyo, balse ilaa hadda wax jawaab ah kama aannu helin Boqortooyada Sacuudiga.”
