Sunday, October 18, 2026

Wafti Reer Yurub ah Oo lagu Weeraray Daanta Galbeed ee Dhulka la Haysto

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wefti ka kooban diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa waxaa weeraray dad wax deeggaameeya oo Israa’iiliyiin ah oo wejiyada qarsaday, kuwaas oo ku sugan Daanta Galbeed ee dhulka la haysto.

Dowladda Belgium ayaa cambaareysay weerarka lagu qaaday qunsulka guud ee dalkaas iyo diblomaasiyiin kale, waxayna Israa’iil ugu baaqday inay sharciga hor keento dadkii ka dambeeyay weerarka.

Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale cambaareeyay dhacdada, isaga oo ku tilmaamay “fal rabshado wata oo culus”, waxayna sheegen in baaritaan lagu hayo.

Hase yeeshee, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa su’aal geliyay waxa dhacay, isaga oo soo jeediyay in dhacdadani ay qayb ka noqon karto “olole la isku dubbariday oo lagu sumcad-dilayo Israa’iil”.

Weerarkan ayaa dhacay hal maalin oo keliya kaddib markii dhowr Falastiiniyiin ah iyo Heidi Levine, oo ah sawirqaade u shaqeysa wargeyska The Washington Post, ay ku dhaawacmeen weerar kale oo ay dadka deeggaamaynta wada ee Israa’iiliyiin ahi ka geysteen tuulo kale oo ku taalla Daanta Galbeed.

Diblomaasiyiinta oo ka kala socday Belgium, Faransiiska, Poland iyo Kaniisadda Katooliga, ayaa booqday tuulada Taybeh oo u dhow Ramallah, taas oo ay ku badan yihiin dadka Masiixiyiinta ah.

Waxay halkaas u tageen inay qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta goobta, kaddib weerarro ay ku dhowaad maalin kasta dadka deeggaamaynta wadda ee Israa’iiliyiin ahi ku qaadaan Falastiiniyiinta isku dayaya inay goostaan dalaggooda saytuunka.

Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay dadka deeggaamaynta ee Israa’iiliyiin ah oo wejiyada qarsaday, kuwaas oo hor istaagaya kolonyada gaadiidka ee ay la socdeen diblomaasiyiintu. Wararka ayaa tilmaamaya in dhagxaan lagu soo tuuray kolonyada.