Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Xoghayaha Dowladda Spain u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Caalamiga ah, Mudane Diego Martínez Belío, iyadoo kulanku ka dhacay intii lagu guda jiray Madasha Caalamiga ah ee Amniga (Global Security Forum).
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa wejiga xiga ee iskaashiga Soomaaliya iyo Spain. Arrimaha kalluumeysiga ayaa kamid ahaa qodobada muhiimka ah ee diiradda lagu saaray kulanka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku raacay in la baaro suurtagalnimada qabashada wada-tashi siyaasadeed oo rasmi ah, kaas oo lagu qaban karo Muqdisho ama Madrid. Wada-tashigan ayaa lagu doonayaa in loo sameeyo hannaan joogto ah oo labada dal ay isaga kaashadaan arrimaha siyaasadda, iskaashiga iyo is-weydaarsiga aragtiyada.
Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay sii ballaarinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Yurub.
