Muuqaal laga duubay ciidamo Muslimiin ah oo ka tirsan milateriga dalka Bosnia ayaa muujinaya iyaga oo kahor inta aysan cuntada bilaabin gacmaha kor ugu taagay duco ay ugu baryayaan walaalahooda ku dhibaataysan marinka Qsa.
Inkasta oo ay u dhaxayso kumanaan kiilomitir, haddana askartani ma aysan iloobin dhibaatada shacabka reer Falast!!n xitaa marka ay miiska cuntada ku sugan yihiin, taas oo muujinaysa qiimaha iyo weynaanta walaaltinimada diinta Islaamka.
Muuqaalkan ayaa si dhab ah u tarjumaya xadiiskii Rasuulka suubban ee ahaa in Muslimiintu ay u taagan yihiin hal jir oo kale, kaas oo haddii xubin ka mid ahi xanuunsato ay xubnaha kale oo dhammi la qaybsadaan xanuunka
