Monday, October 19, 2026

Sargaal Dhaliili-jiray Madaxweynaha Rwanda Oo Maydkiisa la Helay Isagoo Madaxa Laga Jaray.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Robert Kabera oo ahaa askari hore oo ka tirsanaa ciidanka Rwanda, isla markaana si weyn u dhaliili jiray madaxweynaha dalkaas Paul Kagame ayaa meydkiisa oo madaxa laga jaray laga helay duleedka magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Kabera oo 50 jir ahaa, isla markaana ahaa fanaan iyo YouTuber caan ah ayaa sannadkii 2020 ka baxsaday Rwanda, isaga oo sheegay in cadaadis siyaasaddeed iyo hanjabaado loo geystay.

Booliska Uganda ayaa xaqiijiyey in meydkiisa la helay Sabtidii, 17-kii Oktoobar, balse aan weli la helin madaxiisa. Waxa socda baadhitaanno lagu ogaanayo cidda ka dambaysay dilka iyo sababta loo dilay.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Hirshabelle.