2
Hadal uu jeediyay Madaxweynaha Brazil oo ku saabsan haweenka ayaa muran dhaliyay xili lagu jiro ololaha doorashada madaxtinimo ee Dalka Brazil.
Madaxweynaha Dalka Brazil, Lula da Silva ayaa difaacay haweenka isagoo sheegay ineysan helin maalmo fasax ah oo ku filan.
“Haweeneydu ma shaqayn karto lix maalmood toddobaadkii, hal maalin oo keliya na ma nasan karto, sababtoo ah maalintaas waxayba iska nadiifineysaa guriga.” ayuu yidhi isagoo ku doodaya in hal maalin aysan ku filneyn haweenka shaqeeya.
