9
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), Jeneraal Sare Mostafa Izadi, ayaa sheegay in dalkiisu awood u leeyahay inuu gantaallo ku beegsado maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay Izadi oo sheegay in awoodda gantaallada Iiraan ay kor u kacday, dhinacyada tirada iyo tiknoolajiyadda labadaba.
