Wednesday, October 21, 2026

Madaxweynaha Faransiiska oo Booqasho lama Filaan ah ku Tagay Sacuudiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu u muujiyo “garab istaag”.

Waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee reer Galbeed ah ee booqda Sacuudiga tan iyo markii ay sii xoogaysteen weerarrada fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran. Macron ayaa la kulmi doona dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan.

Booqashadani waxay qayb ka tahay safarka madaxweynaha Faransiiska uu ku marayo dalalka Khaliijka, kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii loo xaqiijin lahaa sahayda shidaalka iyo naaftada, loona dhimi lahaa qiimahooda, kaddib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Faransiiska, kuwaas oo looga soo horjeeday kor u kaca xad-dhaafka ah ee qiimaha maciishadda.

Macron, oo wajahaya dhaleeceyn xooggan gudaha Faransiiska, ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu “gudanayay waajibaadkiisa” isla markaana uu ku sugnaa “goobta hawlgalku ka socdo”.

Bayaan ay xafiiska madaxtooyada Faransiisku soo saartay ka hor imaanshaha Macron ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ujeeddada safarku tahay “in la muujiyo garab istaagga Faransiiska ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay wajahayso weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah dhulkeeda, iyo in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo laguna kala duwanaansho ilaha shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah”.

Ka hor inta uusan Sacuudiga tegin, Emmanuel Macron wuxuu joogay Qatar, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Faransiisku shaqaale iyo qalab u diray dekedda Yanbu, oo ah xarun aad muhiim ugu ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga.