Marwada Trump Oo ku Faantay Inay ku Guulaysatay Xabad-joojin Dhex-marta Ruushka iyo Ukraine.
Marwada koowaad ee dalka Maraykanka Melania Trump, ayaa la sheegay inay ku guulaysatay xabad-joojin dhexmarta dalalka Ruushka iyo Ukraine, taasi oo si buuxda u hirgeli doonta 29 bishan October 2026.
Wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters oo soo xigtay Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa sheegay in marwada Madaxweyne Trump ay hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Ukraine ku qancisay in xabbad-joojinta magaalada Oleshky oo ka mid ah degaannada Ruushku ka qabsaday Ukraine, balse dagaalo iyo weeraro xoogani ay si joogto ah uga dhacaan.
Xabad-joojinta ayaa lagu sheegay mid bani’aadanimo oo dumarka iyo carruurta looga saarayo magaaladaasi, loona gaadhsiinayo gargaar degdeg ah
