Deegaanada ku dhow magaalada Mooyaale oo ku taala xuduudka Itoobiya iyo Kenya, waxa ka socda dagaalo u dhaxeeya dad Soomaali ah iyo maleeshiyaad hubeysan oo Oroma ah.
Oromada waxa lagu eedeeyay in ay wadaan dhul-baallaadhsi, sida ay sheegeen odeyaasha beesha Garre oo la hadlay warbaahinta.
“Weerar dhul durugsi ah ayaa nala ku hayaa, Dowladda Deegaanka & Itoobiya waxaan ka dalbanaynaa in ay wax ka qabato colaadda.”
Dagaalkaam oo saakay dib u bilowday ayaa illaa hadda skcda iyada maamulka Soomaalida ay indhaha ka eegayaan dadkooda oo la dhammaynayo.
