Saturday, October 24, 2026

Somaaliya oo Tartan Caalami ah ugu Qaybgalaysa Turkiga.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya tartanka caalamiga ah ee kooxaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee milatariga, The Best International Military Drone Team Competition (BIMDTC-2026), oo ka socda Ankara, Turkiga.

Tartanka oo ay qabanqaabisay Taliska Ciidanka Dhulka ee Turkiga ayaa ay ka qeybgalayaan 32 dal, waxaana Soomaaliya iyo Suudaan ay ka mid yihiin dalalka si toos ah uga qeybgalaya.

Dalalka kale ee tartamaya waxaa ka mid ah Turkiga, Soomaaliya, Argentina, Azerbaijan, Czechia, Qatar, France, Georgia, Croatia, Spain, Italy, Kosovo, Latvia, Kazakhstan, Pakistan, Poland, Jordan iyo Kyrgyzstan.

14 dal oo ay ku jiraan Bulgaria, Bahrain, Kenya, Ukraine, Vietnam, Portugal iyo Colombia ayaa ka qeybgalaya tartanka iyagoo goobjoogayaal ah.

Tartanka waxaa diiradda lagu saarayaa isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, farsamada, xirfadaha duulinta iyo iskaashiga milatari. Finalka iyo munaasabadda abaalmarinta ayaa la qabanayaa maanta oo ah 24-ka Oktoobar.