Saturday, October 24, 2026

Oromadii Oo Laga Saaray Mooyaale Markii Ciidanka Dawlad Deegaanku Galeen Magaalada..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Magaalada Mooyaale ayaa waxaa maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ka socda dagaallo culus oo aan kala joogsi lahayn, waxaana maanta magaalada soo gaadhay ciidamo ka socda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Ciidamada Oromia ayaa dhinacyo kala duwan ka soo weeraray magaalada, kuwaasoo khasaaro baaxad leh u geystay magaalada Mooyaale.

Waraka maanta laga helay magaaladaasi ayaa sheegaya in ciidamadii Oromada laga saaray Magaalada, Inkastoo ay weli u baahan tahay in xog dheeraad ah laga helo xaaladda dhabta ah ee goobaha dagaalka.