Monday, October 26, 2026

48 Oromo ah Oo Lagu Dilay Dagaaladda..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 48 qof oo rayid ah ayaa la sheegay in lagu dilay, halka in ka badan 31 kalena lagu dhaawacay weerarro ay rag hubaysan ka geysteen gobolka Oromia ee Itoobiya, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay Addis Standard.

Weeraradu waxay ka dhaceen tuulooyinka Chole iyo Birbo ee degmada Shirka, aagga Arsi, oo ku yaalla koonfur-bari Oromia, qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladdoodu aad u liidato.

Weeraradu waxay bilaabmeen fiidnimadii Sabtida, Oktoobar 24, waxayna socdeen ilaa subaxnimadii Axadda, Oktoobar 25, Dadka deegaanka ayaa sheegay in weeraryahannadu guri guri u galeen, iyagoo rayidka ku tooganayay kuna mindiyaynayay, isla markaana adeegsanayay hub culus.

Dadka la dilay waxaa la sheegay inay ku jireen haween, waayeel iyo ugu yaraan lix carruur ah oo ka yar 15 sano.

Sida ay sheegayaan wararka deegaanka, weerarradu waxay sababeen cabsi baahsan, iyada oo dad badan ay guryahooda ku nagaadeen ama u qaxeen goobo ammaan ah. Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa lagu aasay xabaal wadareed, halka dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaallo ku yaalla magaalooyinka u dhow si loogu daweeyo.

Dowladda gobolka Oromia ayaa rabshadaha ku eedaysay koox ay ugu yeedhay “Tsimdo.” Hase yeeshee, xidhiidhka ay weeraryahannadu la leeyihiin kooxaha kala duwan iyo eedeymaha ku saabsan doorka ciidamada ammaanka ee deegaanka si madax-bannaan uma xaqiijin Addis Standard.

Rabshadahan ugu dambeeyay waxay ku soo biirayaan weerarro dhimasho badan dhaliyay oo sannadihii u dambeeyay laga soo sheegay aagga Arsi.