Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka dalka Iran ayaa shaaciyay inay isfaham buuxa la gaareen dalalka Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Pakistan, kaas oo ku salaysan in amniga iyo xasilloonida gobolka ay xaqiijin karaan oo keliya dowladaha deegaanka iyada oo aan loo baahnayn faragelin shisheeye.
Tallaabadan ayaa muujinaysa isbeddel weyn oo dhanka istiraatiijiyadda ah iyo is-afgarad cusub oo dhexmaray quwadaha ugu waaweyn ee dunida Muslimka, taas oo looga dan leeyahay in si wadajir ah loo xalliyo colaadaha loona sugo nabadgelyada guud ee gobolka.
Dhinaca kale Sacuudiga ayaa Kulankan ku sheegey in looga hortago in dagaalka uu kula jiro Xuutiyiintu sii weynaaan islamarkaana loogu gogol xaaro heshiis”.
“Waxaan aaminsannahay haddii aan maareyno khilaafkeenna oo aan xoogga saarno waxyaabaha la wadaago iyo danaha la wadaago halkii aan diiradda saari lahayn arrimaha kala qaybinaya, in aan si fudud oo wax ku ool ah uga gudbi karno dhibaatooyinka gobolka” ayuu yiri madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian.
Kulanka oo ka dhacay qasriga Saadabad ee magaalada Tehran waxaa joogay madaxweynaha Iran, Mr. Pezhikian oo ay wehliyeen xoghayaha golaha sare ee amniga qaranka, Mohsen Rezaei iyo wasiirka arrimaha dibadda Abbas Araqchi, waxayna la kulmeen taliyaha cidamada Pakistan Asim Munir, wasiirka difaaca Turkiga, Khalid bin Salman iyo taliyaha sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin.


