Monday, October 26, 2026

Baarlamaanka Masar Oo maanta Ansixiyey in Taageero Millatari la Siiyo Sucuudiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Baarlamaanka dalka Masar ayaa maanta ansixiyey in dalkoodu uu taageero millatari siiyo Sucuudiga oo dagaal adag kula jirta Xuutiyiinta Yemen, iyadoo arrintaasina uu baarlamanka ka codsaday madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Qorshaha Masar ku taageerayso Sucuudiga waxa qayb ka ah inay suurtogal tahay in ciidamo Masaari ah loo diro gudaha Sucuudiga, kuwaasi oo loogu talogalay inay difaacaan qaranimada, madaxbanaanida iyo amaanka Sucuudiga.

Golaha Amniga Qaranka Masar ayaa hore u ansixiyey in taageero millatari loo fidiyo dalka Sucuudiga, si ay iskaga difaacaan Xuutiyiinta Yemen, inkastoo oo khubarada millatariga falanqeeyaa ay sheegeen in aanay suurtogal ahayn in Masar ay weerarto gudaha Yemen, balse waxa la fili karaa in millatariga Masar ay dhinac saadka iyo sirdoonka ka taageeraan Sucuudiga.