Tuesday, October 27, 2026

Golaha Wasiirrada XFS Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sannadka 2027.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay miisaaniyadda sannadka 2027, xaaladda amniga dalka iyo howlgallada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannadka 2027, taas oo dhan $1,259,238,253 (Hal bilyan, laba boqol iyo konton iyo sagaal milyan, laba boqol iyo siddeed iyo soddon kun, laba boqol iyo konton iyo saddex doollar).

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda amniga dalka ka dhagaystay Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo soo bandhigtay guulihii ciidamada qalabka sida ay maalmihii u dambeeyay ka gaareen deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.

Intii uu kulanku socday, Golaha Wasiirrada ayaa Marwo Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirradu waxay soo dhaweeyeen sida nabadgelyada leh ee ay ku soo dhammaatay howshii Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay doorkii uu xafiisku ka soo qaatay dalka muddadii kala-guurka iyo dib-u-soo-kabashada Qaranka, ilaa Soomaaliya ay gaartay heer ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadaha dowladnimadeeda.