9
Iiraan ayaa afduubtay diyaarad uu Mareykanku leeyahay ee nooca aan duuliyaha lahayn MQM-170, xilli ay ku duuleysay marin-biyoodka Hormuz, sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT oo xiganaya ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.
Warbixintan waxaan lagu sheegay inay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan la wareegeen nidaamka hagista diyaaradda, dabadeedna ay si nabad ah dhulka ugu soo dejiyeen iyadoo aan waxyeello soo gaarin.
