Saturday, October 31, 2026

Ugu yaraan Lix Falastiiniyiin ah Oo Lagu Dilay Gaza

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan lix Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza 48-dii saacadood ee la soo dhaafey, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, taas oo ka dhigaysa tirada dadka la dilay tan iyo xabbad-joojintii Oktoobar 2025 inay gaadhey 1,580 qof oo dhimasho ah.

Warbixinta tirakoobka maalinlaha ah ee wasaaraddu waxa lagu xusay in afar ka mid ah lixdaas qof la dilay dhawaan, halka labbo kale ay ku dhinteen dhaawacyo hore u soo gaadhey. Sidoo kale, 26 qof oo kale ayaa ku dhaawacmey isla muddadaas.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tan iyo markii ay dhaqan-gashay xabbad-joojinta lala galey Israa’iil, 11-kii Oktoobar 2025, ay dhaawacmeen 5,711 qof, isla markaana la helay meydadka 845 qof.

Sida ay sheegtay wasaaraddu, dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ku hayso Gaza ayaa dilay ugu yaraan 74,594 Falastiiniyiin ah, halka 175,834 kalena ay ku dhaawacmeen, tan iyo bishii Oktoobar 2023.