Saturday, October 31, 2026

“6000 oo Askari oo Itoobiyan ah ayaan Geliyey Muqdisho Balse 60 Askari oo kaliya ayaa ka Badbaaday..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

“6000 oo Askari oo Itoobiyan ah ayaan geliyey Stadium Muqdisho 2006 dii, balse 60 Askari oo kaliya ayaa ka badbaaday oo an kala soobaxay, 5940 Askari na waa dhinteen, Soomaalidu waa Jin Xabadna laguma rido.”

Waxaa sidaasi sheegay General Bacha Debele Buta oo kamid ahaa Taliyayaashii sar sare ee Ciidanka Itoobiya ee galay Soomaaliya iyaga oo garabsiinaya dowladii Soomaaliya ee xiligaas 2006 dii oo hadda ah Safiirka Itoobiya ufadhiya dalka Kenya.

Hadalkan ayaa kuyimid sheeko dhexmartay Xildhibaan faarax macalin oo katirsan Baarlamaanka Kenya iyo general Bacha kadib markii Xildhibaan Faarax macalin uu gurigiisa casuumaad ugu sameeyay General Bacha.

Xogtan waxaa kasheekeyay Xil. Faarax macalin.

Taasi masii kordhin kartaa cadaawadii Itoobiyaanka uqabeen Soomaalida iyo inay kashaqeeyaan dibin daabyada dowlada Soomaaliyeed?