Wednesday, July 15, 2026

Lacag Mideysa dalalka Xubnaha ka ah Ururka EAC Ee Bariga Afrika Oo Lagu Dhawaaqay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ku dhawaaqay in sanadka 2031 uu yahay waqtiga la qorsheeyay in la hirgeliyo lacag mideysan oo ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah ururka.

Qorshahan ayaa dib uga dhacay jadwalkii hore sababo la xiriiray saameyntii cudurka COVID-19 iyo duruufaha dhaqaale ee gobolka. Mas’uuliyiinta EAC waxay sheegeen in hirgelinta ay bilaaban doonto marka dalalka xubnaha ka ah ay buuxiyaan shuruudaha dhaqaale ee lagu heshiiyay.

Lacagta mideysan ayaa la filayaa inay dardargeliso ganacsiga gudaha gobolka, yareyso kharashaadka sarifka lacagaha, isla markaana kor u qaaddo isdhexgalka dhaqaale ee Bariga Afrika.