Ugu yaraan siddeed qof, oo ay ku jiraan shan carruur ah, ayaa ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Ma’arey Tabiya ee degmada Abergele Chilaa, gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Qaraxa ayaa dhacay toddobaadkii hore, kadib markii dameerro siday biro laga soo qaaday bakhaar hub oo ay lahaayeen ciidamada Tigray loo waday ganacsato ka ganacsata biraha. Birooyinka ayaa la sheegay inay ku dhex jireen bambooyin iyo hub kale oo aan qarxin, kuwaas oo markii dambe qarxay.
Dadka dhintay waxaa ku jiray carruur da’doodu u dhaxayso laba ilaa 12 sano iyo saddex qof oo waaweyn. Qaraxa ayaa sidoo kale dilay shan dameer.
Maareeyaha Isbitaalka Yechilaa, Erday Assefa, ayaa BBC u sheegay in 18 qof ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa, 15 ka mid ahna isbitaalka la geeyay. Wuxuu sheegay in saddex qof ay ku dhinteen goobta, halka laba kale ay dhinteen ka hor intii aan daaweyn loo bilaabin.
Dadka kale ee dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Tixraaca ee Ayder iyo Isbitaalka Abiyadi si loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.
