Tuesday, November 3, 2026

Askari ay Madaxa ka Jartay Marawaxada Diyaaradii Uu la Socday Markii ay ka Degaysay Garoonka Dhuusamareeb.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Askari ka mid ahaa ilaalada Macallin Mahdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa ku geeriyooday shil naxdin leh oo ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, markii marwaxadda diyaaradi ay madaxa ka jartay.

Askariga ayaa diyaaradda ka degay xilli matoorkeedu weli shaqaynayay, taas oo sababtay in marwaxaddu madaxa ka gaadho, isla goobtiina uu ku geeriyoodo.

Meydka Askariga ilaalada ayaa loo qaaday gudaha magaalada Dhuusamareeb oo saacadihii la soo dhaafay uu ka socday diyaar garowga Caleema saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug.

Diyaaradda Star Airline wali kama hadlin dhacdadaan naxdinta leh ee soo gaartay mid kamid ah ilaalada Macalin Mahdi.