Tuesday, November 3, 2026

Wararkii ugu Dambeeyay ee Doorashooyinka Xilliga Dhexe Ee Mareykanka Iyo Cilado soo Wajahay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Haddii aad hadda nagu soo biirtay, halkan waxaan kuso kpobnay xaaladihii ugu dambeeyay ee doorashooyinka xilliga dhexe ee maanta ka socda Mareykanka.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta doorashooyinka ee degmada Westchester County, gobolka New York, ayaa xaqiijiyay cilado ka jira mashiinnada codbixinta ee guud ahaan degmada. Waxay sheegeen in waraaqaha codbixinta ay aad u dhumuc weyn yihiin, taasoo sababtay in mashiinnadu aqbali waayaan. Ciladaha qalabka lagu baaro codadka ayaa billowday wax yar kaddib markii goobaha codbixintu furmeen saaka.

Gobolka Florida, ugu yaraan 19 goobood oo codbixineed ayaa laga raray goobihii markii hore loogu talagalay, kaddib markii roobab xooggan oo habeenkii dhacay ay sababeen fatahaado degdeg ah, kuwaas oo billowday Isniintii dhammaadkeeda kuna sii fiday Talaadadii.

Sidoo kale, Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay dalka oo dhan u diri doonto ku dhowaad 1,000 kormeere doorasho, kuwaas oo la socon doona habsami-u-socodka codbixinta. Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee abid ay wasaaraddu u dirto kormeerka doorashooyinka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa telefishinka Fox News u sheegay in dalkiisu uu joojin doono kaalmada milatari ee uu siiyo Israa’iil dhammaadka sannadka 2026. Markii la weydiiyay sababta Mareykanku u joojinayo taageeradaas, Trump ayaa ku jawaabay: “Sababtoo ah uma baahna.”