Heemaal News Network

Israa’iil Oo Markii Ugu Horeysay ka Hadashay Dilkii Hogaamiyaha Xamaas Haniyeh

Israa’iil ayaa markii u horreysay sheegtay habeenkii uu dhacay howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh inaysan qaadin wax weerar cirka ah ama gantaal isaga gudbay bariga dhexe , waqtigaa weerarkii duqeynta Beirut ayuu ku ekaa howlgal ka baxsan Qasa oo ay dibadda ka fuliyeen Israa’iil, sida u sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil.

Hadalkan wuxuu u muuqdaa inay Israa’iil ku oggalaatay warbixinnada New York Times iyo Axios oo sheegay in dilka loo adeegsaday aalad qaraxda oo lagu xiray qolka ay Iran dejisay Haniyeh.