3
Ciidamo hubeysan ayaa la wareegay xarunta Maxkamadda Sare, iyagoo sidoo kale farageliyay Garyaqaan Baashe xilli uu warbaahinta la hadlayay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobta.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay dadka goobta ku sugnaa ka qaadeen taleefoonnadooda gacanta. Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya askar hubeysan oo qaarkood sheegaya inay ka tirsan yihiin Booliska Militariga iyo Hay’adda NISA.
